Khidmooyinka ka baxaa Masjidka Daar Al-Hijrah ee bisha Ramadaanka
Khidmooyinkan hoos ku qoran waxay ka dhacayaan masaajidka
Khidmooyinka qaarkood waxay ku xeranyihin salaada waqtigeeda, ee ka fiirso jadwalka salaada


Iftaar
>maalin walba Afur ayaa ka jiro masjidka
>Nagala soo qeybgal afur heersara ah habeenka Sabtida 15ka Sabteembar, 2007<

Taraawiix
>salaada Cisha kadib

Khatiro
>wacdi gaaban oo u dhaxeeya rakcadaha Tarawiixda
>laga bilaabo habeenada Isniinta-Arbacada iyo habeenka Jumcaha: wacdiyo kale duwan oo la xariira Islamka
>laga bilaabo habeenada Sabtida-Axada iyo habeenka Khamiista: Su'aalo & Jawaabo

Tahajud (Oct. 3-13, 2007)
>salaada qiyaamu laylka, ee 10 ugu danbaysa Ramadaanka, taaso ku beegan Oktober 3-13, 2007: 3:00am - 4:30am
>Suxuur ama hiraab, cuntada lagu soomo.

27ka Ramadaanka(Oktober 10, 2007)
>wa habeenka in u yahay Laylat Al-Qadr (Habeenka Awoodale) sida culima badan isku raacsan yihiin. Wa habeen camalkiiso u dhigma ama ka sareeya 83 sano iyo 4 bilood camalkood. Waxan martiqaadeynaa dhamaan qaybaha kale duwan ee bulshada, gaar ahan dhalinyarada, in aan ku wada cibaadaysano masaajidka habeenkaas oo dhan.

Zakat Al-Fitr
>Sadaqada la bixiyo dhamaadka bisha Ramadan. Masjidku wu qabanayaa inta ka horaysa salaada ciida, qiimuhu waa $8 dolar qofkii jooga Minnesota, USA, mar walba waxay ku xiran tahay meeshaad joogto iyo lacagta laga isticmaalo ama qada buuxda oo hal qof oo miskiin ah.

Eid Al-Fitr (Oktober 13, 2007)
>waa ciid ka mid ah ciidaha waa wayn ee Muslimiinta oo lagu sogootiyo Ramadaaka dhamaadkiisa. Salaada ciida waxaa lagu tukan doona masaajidka iyo Xarunt Bryan Coyle ee Mpls, MN, hadii Alle idmo.

 


 
waxaa daabacay EJV Studio