Waxaan dhamaan ugu bishaareynaynaa
Muslimiinta meelkasto ay joogaanba, khaasatan Minnesota, in Masjidkii
Daar Al-Hijrah ee 7sano la soo dhaafay u khidmeyn jiray bulshadeena la
iibiyay uuna gacanta u soo galay Muslimiinta.
Saxiixa la soo wareega dhismaha
Masjidka ayaa wuxuu dhacay Jumacadii la soo dhaafay oo
bisha Rabi Al-Awal ahayd 9, 1427 H. oo ku beegnayd 7 Abril 2006.
Qiimaha dhismaha ayaa wuxuu ahaa $400,000 (afar boqol oo kun
oo doollar),masaaxada dhulka ayaa waxuu gaarayaa 25,000 sq ft.
Maamulka Masaajidka wuxuu u hanbalyaynayaa una mahadnaqayaa dhamaan bulshada Muslimiinta ah ee ka qaybqaadatay iibinta dhismaha. Waxaan Alle ka baryaynaa in Ilaahay ajir iyo xasanaad inaga siiyo dhamaanteen, uuna inoogu badalo guri jano suu Nabigu yiri
(s.c.w) “Qofkii Ilaahay dartii guri u dhisa Ilaahay ayaa
asagana guri jannada uga dhisi"