Cashirada Jimcaha, Sabtida, & Axada
_____________________________________________________
In wax labarto lana radiyo waxbarashada waa shay waajib ku ah qofkasta oo muslim ah rag iyo dumarba. Markaad tahay qof qurbaha ku noola, waxaaba ku siisaaran waajib gaar ah in aad Islaamka baratid kadibna aad dadka aan Muslimiinta ahayn u gudbisid, sida ugu wanaagsan ahna sidii Nabigeenii Subanaa (scw) inoo baray.
Sidaas daraadeed, Masjidka Daar Al-Hijrah, oo khidmooyin badan u qabta bulshada ayaa inoo soo diyaariyay cashiro kala duwan kuwasoo baxa Jumacah, Sabtida, iyo Axada. Cashiradan ayaa loogu tala galay qofkasta oy ka midyihiin ardayda jaamacada ah iyo dugsiyada sare. Cishiradan ayaa waxaa inoo aqrin haya Imam Shariif C. Maxamed & Prof. Abdiwahid Sh. Osman, kutubtan ayaa waxaa laga heli karaa Masaajidka.
[1] Tajriid Sariix: Jumca kasta 7:00pm—8:30pm