|
Hordhaca Shirweynahaa Ujeeda shirkani waa sidii aan isugu dabaqi laheyn si wanaagsan Diinteena, Qoysaskeena iyo Mustaqbalkeena. Quraanka Kariimka wuxuu si toos ah uu farayaa umada muslimiinta ah in ay ahaadaan kuwa lasaan qaadi kara hormarka una maskax furanaadaan. Sidaa darteed waxaan u baahanahey in aan is xasuusino marxaladaha ina soo wajahaya maadama ay Islaamku yahay Diin iyo habka uu ku noolaan lahaa qofkasta oo muslimka ah. Nolosha habeysan waxaa lagu gaari karaa siyaaabo kala duwan. Ugu horeyn waa in aad ka dhisantahay ruuxiyan oo ah jidka toosan ee kugu hagaya naxariista guud ee ilaahey. Marka labaad waxaa qasab ah in aad qaada taa dowrka qof muwaadin kaas oo wax tar leh mas’uuliyadna qaadi kara aduunkan iyo aakhiraba. Xilliga hadda la joogo waxaa jira waxyaabo badan oo si qaldan loogu wajahayo Islaamka mala badan oo aduunka ka mid ah gaar ahaana Mareykanka. Masuuliyada saaran qof waliba oo muslima ah ayaa ah in uu ku dadaalaa sidii loo badali lahaa fikirkaan qaldan. Islaamku waxuu taageerayaa qoysas xariir hagaagsan leh in la abuuro. Isku xiraanshaha qoysku waxeey saldhig u aheyd xadaarad walba oo aduunka hormar kasameeysay. Sidaa darteed, shirkani waxuu gacan kageeysan doonaa sidii loo dhisi lahaa qoysas anshax wanaagsan iyo sidii qoysasku u yeelan lahayeen xariir caafimaad qaba. Cilmi baaris lasameeyay ayaa lagu sheegay sida musliinta mareykanku ay muhiim ugu yihiin hagaajinta xariir u dhaxeeya dhaqamada iyo diimaha kala duwan. Muslimiintu waa in ay abburaan xarumo, skoolo, iyo massajid lagu ilaaliyo Bulshada Muslimiinta iyo waanaga good. Shirkani waxaan ka heli doonaa haddii Alle idmo isfaham iyo dhiiragalin. |
||||||||||||||||||||||
| © 2006 Daar Al-Hijrah ayaa xuquuqda loo xafiday wixii su'aal ah la xirii maamulah boga | |||||||||||||||||||||||
| waxaa daabacay EJV Studio | |||||||||||||||||||||||