Nadwo Ku Saabsan Guusha Muslimiinta: Aduun & Aakhiroba
[Flyer]

Noolashu waa wax dhamaanaysa. Waayahan danbe waxaan mushquul ku nahay shaqo, skuul, dhaldhalaalka aduunka, iwm. Markaasaa waxaan hilmaanay Barashada Diinteedna oo ina baraysa aduun iyo aakhiroba. Sanadkasta xiligaan oo kale markii la so gaaro waxaa jira fasaxyo badan oo dadku ku mashquulaan. Sidaa daraadeed, qofkasto oo Muslim ah oo ku nool wadankan oo kale waxaa waajib ku ah in uu ka faa-iideysto fasaxyada wax akhiradiisa iyo aduunkiisaba anfacaya.

Sidaa daraadeed, Masjidka Daar Al-Hijrah wuxuu ku faraxsanyahay in uu ku marti qaado dhamaan qeybaha bulshada oo dhan xaflad dood cilmiyeed ah marka oo ku saabsan mustaqbalkeena aduun iyo aakhiraba. Marka imow oo ka qeybqaado hurumarinta Bulshadeena.

Xafladan ayaa waxaa lagaga hadli doonaa:

  • Arimaha Qoyska
    • Sidee loo doortaa Xaas Wanaagsan si waafaqsan Diinta Islaamka
    • Korinta Caruurta Wakhtiyada Dhibka
    • Dhisida Qoysas Wanaagsan
  • Islaamka iyo Mustaqbalka Muslimiinta Maraykanka
    • Xadaarada Islaamka & Waxqabtkeeda Bani aadanimo
    • Horumarinta Hay’adaha Islaamka ee Waqooyiga Maraykanka
    • Dib u soo Noolaynta Dhalinyarada Muslimiinta

Muxaadarinta:

  • Sh. Abdirahman Sharif, Imaamka Masjidka Daar Al-Hijrah, Minneapolis
  • Prof. Abdiwahid Sh. Osman, U of M Law Professor
  • Br. Mohamed Dini, Imaamka Maskidka Omar, Ohio
  • Br.  Abdisalam Adam, Isku Duwaha Xaruntaa Daar Al-Hijrah & St. Paul Pub. Skuulada
  • Sh. Ahmed Buraale, Imaamka Masjidka Omar Sabri, Minneapolis
  • Prof. Mohamed Sh Rasheed, Faribault, MN

 Waxaan Soo Bandhigeynaa:

  • Riwaayad: Nolosha Qurbaha ee Qoysaska Soomaaliyeed
  • Anaashiid
  • Fidiyow ku saabsan Xarunta Daar Al-Hijrah

Waxaa kalo idinhaynaa oo bilaash ah:

  • Casho fuduud
  • Caruur Haynn
  • Gadiid
  • Baarkin
  • Barxada Ciyaaraha
 
designed by EJV Studio