Hordhac
Daar Al-Hijrah Islamic Civic Center waa xarun diineed,
waxabarasho, dhaqan, oon macaash raadis aheyn (Non-Profit Organization). Daar
Al-Hijrah waxay u hagar baxdaa u adeegga bulshada Muslimiinta ee
ku nool gobolka Minnesota. Xaruntu waxaa kale oo ay aad u soo
dhawaynaysaa cid kasta oo rabta in ay wax
ka barato Islaamka iyo dhaqankiisa. Xarunta Daar Al-Hijrah waxaa
la aasaasay 1998 si ay u caawiso
Muslimiinta ku soo badanaya gobolka Minnesota. Ilaa iyo intaas, Daar
Al-Hijrah waxay ku caawinaysay
bulshada adeegyo muhiim ah oo waafaqsan mabaadi’da Islaamka.
Ujeedada Daar Al-Hijrah
- Oogidda shacaa’irta Islaamka
sida salaadaha, xafladaha, iyo ciidaha.
- Waxbaridda Muslimiinta iyo dadka aan
muslimiinta ahaynba si ay u ogaadaan Islaamka una fahmaan
siduu u yahay hab nololeed dhamaystiran.
- Iskaashiga hay’adaha muslimiinta
ah si looga wada shaqeeyo waxyaabaha wanaagga ah oo danta ummadda
ilaalinaya
- Diyaarinta khidmooyinka aasaaska u ah
Muslimiinta oo ay ka mid yihiin Masaajid iyo Iskuullo
- Sara u qaadidda xiriirka iyo isfahamka
ka dhexeeya muslimiinta iyo kuwaan muslimiinta ahayn
- Diyaarin barnaamijyo bulsho iyo waxbarasho
oo waxtar u leh jaaliyadda deggan Minnesota
Wax Qabadka Masjidka
Waxayaabaha uu haatan masjidku qabto waxaa kamid ah:
- Dugsiyo:
Dugsiyada Daar Al-Hijrah waxaa dhigata arday isugo jira yaryar
iyo waawayn. Manhajkooda waxaa ka mid
ah xafidaadda Quraanka kariimka ah,, caqiidada, akhriska iyo
qoridda carabiga, tarbiyada Islaamka,
taariikhda Islaamka, sunnada nabiga (s.c.w), fiqiga, iyo xusuusta
Alle.
- Xafiiska La talinta Qoysaska:
Daar Al-Hijrah waxaa ay ka caawisaa bulshada la talinta arrimaha
bulshada sida guurka, furitaanka,
xallinta arrimaha qoyska, iyo baraarujinta guud ee bulshada
- Xarunta Dhallinyarada:
Daar Al-Hijrah waxay leeydahay xarun dhallinyaradu
isugu yimaadaan, fikradah isku wey daarsadaan,
waxna ku bartaan. Dhallinyaradu waxay ku xiran yihiin xarunta
si ay uhaystaan hiddaha iyo dhaqanka
Islaamka.
- Shahaado Dugsi Sare:
Daar Al-Hijrah waxaa kale oo ay Jaaliyadda ka caawisaa
bixinta shahaadada dugsiga sare ooy iska
kaashadaan Volunteers of America taas oo ay ardaydu qaadanayaan
shahaado dugsi sare.
- Xarun Caafimaad:
Daar Al-Hijrah waxaa kale oo ay bulshada kacaawisaa khidmooyinka
xarun caafimaad oo bilaash ah,
halkaas oo dadku iska baari karaan dhiig-karka, sokorowga, iyo
waliba baaritaanka guud ee caruurta iyo
dhalinyarada.
|