Waad Daabacankartaa Jadwalka Salaada

Imaam Sharif M. Abdirahman
Maamule Abdisalam Adam
Khasnad Haye Abdisamad Ibrahim
Xog Haye Wali Darie

Sharif A. Mohamed
Imaam

Imaam Shariif C. Maxamed wuxuu ku dhashay Soomaaliya. Wuxuu arday u ahaa waxna ka bartay culimo badan oo a qoon leh, oo waliba qaar kood ay ahaayeen qoskiisa. In dadka si xeel dheer diinta loo baro waa qayb noloshiisa kamid ah laguna soo koriyay. Sheekhu naftiisa xitaa macalin ayuu u ahaa oo isgaa marar badan wax is barijiray, kadibna dadka ayuu wax barijiray u gana jawaabi jiray masalooyinka diiniga ah. 

Sheekhu wuxuu Maraykanka yimid 1996. Wuxuu kamid yahay dadkii ugu horayay ee aas aasay Xarunta Daar Al-Hijrah, taas oo ah balanqaadkiisii in uu bulshadiisa caawindoono kana dhax bixi doonin. Waxqabadkiisa ugu waa wayn waxaa ka mid ah, dadka oo la baro diinta, uga jawaabida  masalooyinka diiniga ah kuwa cadaalad doonka ah, samaynta xafiis lagu la taliyo qoysaska, kaas oo dadka loogu xaliyo khilaafaadkooda iyo u kaalmaynta xaruma ah diiniga ah iyo kuwa aan macaashdoonka ahaynba.

Sheekhu waxaa kale oo uu wacdiyaa muxaadaraadna u jeediyaa dad fara badan oo ka baxsan xarunta. Waxaa kale oo uu kutubo kale duwan oo Islaamiyah u aqriyaa arday badan. Sheekhu wuxuu caan ka yahay waqooyiga Maraykanka, wuxuuna caan ku yahay barida diinta Islaamka. Sheekh Maxamed wuxuu hada Imaam ka yahay Masjidka Daar Al-Hijrah. Wuxuuna dagan yahay St.Paul, MN, halkaas oo u la nool yahay xaaskiisa iyo caruurtiisa.


Abdisalam Adam
Maamule

Abdisalam Adam wuxuu ku dhashay Somalia. Waxbarashada hoose laga bilaabo Dugsiga hoose ilaa ka sare wuxuu ku dhameestay Nigeria. Adam wuxuu ka qaatay Shahaadada BA Jamacada Boqor Saudi, Riyadh, SA.

Adam wuxuu yimid Mareykanka 1991. Kadib waxbarashadii  ayuu sii watay wuxuuna ka qaatay Jamacada St. Cloud shahaadada loo yaqaano Masters of Science. Wax u qabadkiisa iyo u firfircoonidiisa bulshada ayaan la soo koobi karin; ha ahaato waxbarida, caawimaada, ama kaalmada guud. Adam wuxuu yahay maamulka guud ee Daar Al-Hijrah, waxaa kale oo u ka midyahay dadkii aas aasay xarunta. Intaas waxaa dheer Adam waa khabiir arima ah bulshada soomaalida ee Skuulada Dowlada ee St. Paul, MN.

Adam waxaa kale oo u xubin ka yahay gudiga maamulka ee Al-Amal School, International Charter School, iyo African Relief Agency of Horn of Africa [ARAHA]. Hada Adam wuxuu dagan yahay Magaalada Fridley, MN, wuxuu la nool yahay  xaaskiisaa iyo caruurtiisa.


Abdisamad Ibrahim
Khasnad Haye

Abdisamad Ibrahim wuxuu ku dhashay Iimey, qeybta Somalidu dagto ee Ethiopia. Dugsiga sare wuxuu ka gabaxay Muqdisho. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacada Lafoole Soomaaliya, kadibna wuxuu noqday maamulah guud ee Dugiyada Sare ee Muqdisho.

Ibraahim wuxuu maraykanka yimid 1998. Hada waa maqsin/kayd haya Daar Al-Hijrah. Ilaa hada wuxuu baraa xarunta, wuxuuna xubin firfircoon ka yahay bulshadeena dhexedeeda.


Wali Dirie
Xog Haye

Wali Dirie wuxuu ku dhashay  Muqdisho, Caasimada Soomaaliya. Wuxuu ka qalin jabiyay Dugsiga Sare ee Jamaal Cabdinaasir. Dirie wuxuu yimid Maraykanka 1996. Sanada yar guda hood wuxuu qaatay shahaadada Assosiyaydka. Wuxuu kaqaatay KRS Computer Business Collage, oo hada kamid ah Normandale, MN.

Dirie wuxuu ahaaa yahayna xubin firfircoon bulshada dhexdeeda. Hada Dirie waa xoghayah Daar Al-Hijrah. Dirie waxaa kale oo u yahay Hogaamiyah Volunteers of America-Dugsiga Sare ee Habeenka ee Iqra.

 
waxaa daabacay EJV Studio