Xafiiska La talinta Qoysaska:

Daar Al-Hijrah waxaa ay ka caawisaa bulshada la talinta iyo xalinta arrimaha qoysaska, sida guurka, furitaanka, iyo baraarujinta guud ee jaaliyada. Imaamka ayaa si xeeldheer ufiirinaya ulana soconaya xaalada labada dhinac, kadibna raadinaya xal macquul u ah labada is haysata. Islaamka ayaa siiyay xuquuq cadaalad ku dhisan ninka, gabadha, caruurta, iyo qaraabada. Xuquuqdaas oo ka kooban dhaqaale, siyaasad, xoriyad, arimo khaas ah iyo kuwo ijtimaaciyahba. Isfurida iyo wixii la xiriira ayaa ugu badan dhibaatooyinka haysta qoysaska. Islaamka waa la ogolyahay isfurida, laakiin waa waxyaabaha uu Ilaahay ugu carada badanyahay. Sidaa daraadeed ayaa looga dhigay isfurida xalka ugu dambeeya.

Waxaa dhamaan lagu dhiiri galinayaa  qaybaha kala duwan ee bulshada in ay yimaadaan xafiiska saacadaha uu furan yahay haday ubaahan yihiin in laga caawiyo waxkasta oo laxiriira diinta, arimaha qoyska, iyo wiixii la mid ah.

Saacadah Xafiiska:

Xafiisku wuxuu furanyahay maalin walba laga bilaabo 11:00am – 06:00pm. 
Wixii warbixin dheraad ah fadlan soo wac (612) 226-5661.

 
© 2006 Daar Al-Hijrah ayaa xuquuqda loo xafiday wixii su'aal ah la xirii maamulah boga
waxaa daabacay EJV Studio