Xarun Caafimaad:

Daar Al-Hijrah waxaa kale oo ay bulshada kacaawisaa khidmooyinka xarun caafimaad oo bilaash ah, halkaas oo dadku iska baari karaan dhiig-karka, sokorowga, iyo waliba baaritaanka guud ee caruurta iyo dhalinyarada, oy is ka kaashadaan Wazaarada Caafimaadka ee Gobolka Minnesota.

Dhiigkarku waa cadaadis culays ah oo saaran xididada dhiiga qaada; dhiiga wadnah ka soo baxa ayaa katanbadanhaya awoodooda, taas oo keeni karta cudurada wadna ah ku dhaca. Sokorowgu waa jirka oon soo saaraynin ama sifiican u isticmaalaynin kimikada la yiraahdow insalinka(insulin), taas oo keenta in sonkortu ku badato dhiigaaga iyo kaadidaada.

Labadan cudurba waa laba cudur oo halis ah dadbadana u dhintaan sababtood meela badan oo Aduunka kamid ah oo Maraykankuna ku jiro. Sidaas daraadeed Masaajidka Daar Al-Hijrah wuxuu kuu hayaa xurun caafimaad oo bilaash ah oo kuu sahlaysa barashada iyo baaritaanka cuduradan. Kalkaaliyaal ayaa si joogta ah kaaga baaraya sokorowga iyo dhiikarka labadaba kadibna ku siinaya talada aad u baahantahay.

Baritaan lasameeyay ayaa sheegaya in 18.2 malyan oo Maraykan in ay qabaan cudurka sokorta; 5.2 malyan ka mid ahna ma’oga in ay qabaan iyo in kale. Marka xarunta imow si aad u ogaato caafimaadkaaga sokorowga iyo dhiikarka meeshu maryo.

Xarunta caafimaadka waxay furantahay:
Isniinta – Sabtida laga bilaabo 10:00am – 04:00pm

Wixii warbixin dheraad ah fadlan soo wac (612) 339-2625.

Bayjaj iyo Qoraalo Muhiim ah oo Caafimad ku saabsan:

Health: Diabetes Mellitus
Hypertension
East Africa Health Project
IslamSet
Somali Medical Association of North America

 
© 2006 Daar Al-Hijrah ayaa xuquuqda loo xafiday wixii su'aal ah la xirii maamulah boga
waxaa daabacay EJV Studio