Xarunta Dhallinyarada ee Daar Al-Hijrah:

Gools:

Daar Al-Hijrah waxay leeydahay xarun dhallinyaradu isugu yimaadaan, fikradah isku wey daarsadaan, waxna ku bartaan. Dhallinyaradu waxay ku xiran yihiin xarunta si ay uhaystaan hiddaha iyo dhaqanka Islaamka. Gudiga dhanlinyarada ee Daar Al-Hijrah wuxuu hoostagaa Xarunta Daar Al-Hijrah oo ah xarun aan macaash raadis ahayn (non-profit organization), waa gudi dhanlinyaro, oo gudiga xaruntu u doortay in ay hogaamiyaan dhalinyarada. Gudiga dhalinyarada ee Daar Al-Hijarah, hadi Alle idmo, waxay isu keenaysaa oy mideeynaysaa dhalinyarada Muslimiinta oo dhan, kuwaas oo ku kale nool aduunka dacaladiisa, gaar ahaana wadanka Maraykanka iyo gobalka Minnesota si ay u hormariyaan Diintooda, dhaqankooda, wabxabarashadooda, una wanaajiyaan xiriirka iyaga iyo waalidkood, iyo in ay abuuraan bulsho, iyo bey’o nabad ah ugana shaqeeyaan hormaka mustaqbalkooda iyaga oo ka ambaqaadaya fahamka Islaamka ee saxda ah.

Barnaamijyada DYC

  • Xalaqada todobaadka:
    Xalaqada ayaa diirada saaraysa dhalinyarada  si ay u kordhiyaan fahamkooda Islaamka, kaas oo kordhinaaya Imaankooda iyo caqligoodaba. Waxaa kale oy xalaqadu abuuraysaa wadahadal iyo isfahan dhalinyarada dhexdeeda iyo waliba bulshada. Muhimada ugu sii wayn ee xalaqada ayaa ah in ay soo baxaan dhaliyaro mufakiriin ah. Waxaa intaas sii dheer oy xalaqadu baraysaa dhalinyarada isfaham xeeldheer iyo waliba fikradah oo la wadaago taas oo keenaysa in la helo walaaltinimo dhab ah oo ku salaysan Islaamka.
  • Xaflad Laba Biloodle ah :
     Xafaladahan oo kale ayaa  waxay keenayaan isfaham iyo isdhaxgal xeeldheer oo u dhaxeeya dhalinyarada. DYC  waxay isku keenaysaa aqoonyahayno kale duwan, madadaalo xiisaleh oo waa faqsan mabaadi’da Islaamka, munaaqasho iyo fikrad iswaydaarsi, iyo waliba abaalmarino.Xafladahan ayaa isugu jira muxaadrooyin ruuxi ah, tababaro waxbarasho, iyo wacyi galin.   U jeedooyinka barnaamujyadan ayaa ah in la abuuro baraaruk ku saabsan fahanka Islaamka, baahida loo qabo waxbarasho, iyo wax yaabaha uu bani’aadamku u baahanyahay.

Xaruntan waxay furantahay:

Jumcada laga bilaabo 05:00 – 09:00pm
Sabti iyo  Axad laga bilaabo 08:00 – 02:00pm.

Wixii warbixin dheraad ah fadlan soo wac (612)227-8374/481-4423

 
© 2006 Daar Al-Hijrah ayaa xuquuqda loo xafiday wixii su'aal ah la xirii maamulah boga
waxaa daabacay EJV Studio